Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdiga gudoomiyaha Golaha shacabka BJF soomaaliya Amb Mohamed mursal sheekh cabdiraxmaan ayaa waxaa Ku wehlinaya xilibaano , wasiiro katirsan xukuumadda , iyo saraakiil katitsan Dawladda , waxaana garoonka Ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo koonfur galbeed ka tirsan ,

Gudoomiyaha ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaradaha degmada xudur waxaa uu dadkii soo dhaweeyaya uu uga mahad celiyay sida gacaltooyada ah ee ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta balaaran ee ay usameeyeen shacabka degmada xudur

Gudoomiyaha ayaa isla maanta waxaa uu dhagax dhigay dhismooyin cusub oo degmada ah halka kuwa kalena uu xarigga ka jaray , waxaana kamid xarumaha uu dhagax dhigay

1-Xaruunta Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyada 
Iyo 2-Airporka Degmada Xudur

Sidoo kale waxaa goobaha xarigga uu kajaray gudoomiyaha Golaha shacabka ay ahaayeen

1-Iskuulka Hoose Iyo Dhexe ee Xudur iyo 
2-Xaruunta Degmada Xudur

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Ku suganyihiin xarunta maamulka bakool ee xudur waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan degmada xudur waxaana safarkaan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee gudoomiyahu Ku tago Xudur tan iyo markii uu Ku Guuleysatay doorashadii Xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee BJF soomaaliya

  • 1-22.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-18.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-18.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-17.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-12.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-10.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this