Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka BFS Oo Ansixiyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed.

139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay

Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya  Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda.

Mudane Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this