Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ku wajahan magaalada Xuddur

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa in uu Isniinta maanta ah gaaro, magaalada Xuddur ee gobolka Bokool,halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta koonfur Galbeed iyo bulshada degaanka.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka soconaysa magaaladaasi Xuddur,amaanka ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana soo dhaweynta ka qeyb qaadanaya maamulka gobolka Bokool,kan degmada iyo qeybaha bulshada,sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranka Maxamed Xasan C/raxmaan.

Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana la filayaa in halkaasi uu ka dhoco kulan looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Alshabaab iyo qorshayaal ku aadan dib u dejin loo sameeyo dadkii deegaanadoodi ay ka soo barakiciyeen Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ku wajahan magaalada Xuddur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this