Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ku celisay cafiskii madaxweyne Farmaajo u fidiyay dhalinyarada ka soo baxa Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Maxamed (Amardambe) oo la hadlay wakaaladda wararka SONNA ayaa ku celiyay in uu weli furanyahay cafiskii madaxweyne Farmaajo u fidiyay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab ee isu soo dhiiba dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dhalinyarada u dagaallanta Al-shabaab in ay isu soo dhiiban dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ballan qaaday in cafis loo fidin doono islamarkaana dhaqan-celin loo samayn doono.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku soo beegmay iyadoo bilihii u dambeeyay ay dowladda Federaalka Soomaaliya isu dhiibeen xubno ka tirsanaa Al-sahbaab oo ka tanaasulay firirkooda.

PUNTLAND POST

The post DFS oo ku celisay cafiskii madaxweyne Farmaajo u fidiyay dhalinyarada ka soo baxa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this