Sign in to follow this  
Deeq A.

Diktreeto: Wasiiru-dowlihii Dastuurka Puntland oo loo beddelay wasaaradda Caddaaladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Deni ayaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Arrimaha Dastuurka u bedelay Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr 40, ee 8da Luulyo, 2019, ku bedelay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee 10ka February 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub.

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Saalax Xabiib Jaamac oo ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Arrimaha Dastuurka loo bedelay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna saxiixay Madaxweynuhu

PUNTLAND POST

The post Diktreeto: Wasiiru-dowlihii Dastuurka Puntland oo loo beddelay wasaaradda Caddaaladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this