Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka dhaqanka Cadaado oo diiday in ay la kulman Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka dhaqanka degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sida la sheegayo gebi aanba diiday in ay la kulmaan Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre Xasan oo saaka tegay degmadaasi Cadaado.

Waxgaradka iyo odoyaasha ayaa diiday la kulanka ra’iisul wasaare Khayre waxaana ay ku eedeeyeen in uu uga baxay balan hore iyagoo caddeeyay aysan la kulmi doonin ilaa uu fuliyo balantii uu la galay.

Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka sii gudbay degmada Cadaado kadib markii uu la kulmay siyaasiyiinta ku sugan degmadaasi oo uu ka codsaday in ay taageeran qorshaha dib u-heshiisiinta Galmudug oo sida uu sheegay ay waddo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa oo ka soo amba-baxay degmada cadaado ayaa waxay ku sii jeedaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay haatan ka socoto soo dhoweyntooda.

PUNTLAND POST

The post Hoggaanka dhaqanka Cadaado oo diiday in ay la kulman Khayre appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this