Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo ka hadashay khasaaraha kasoo gaaray weerarkii ay Muqdisho kusoo qaadeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerar ay kooxo ka tirsan Maanta ku qaadeen Koontaroolka Seybiyaano ee Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan ay weerarkaas fuliyeen isla markaasna ay u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan Koontaroolka sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in ciidankooda ay weerareen koontaroolka islamarkaana ay laayeen ciidankii halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidankooda iska caabiyeen ciidamo gurmad ah oo soo gaaray goobta kuwaas oo uu sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen.

“Koontaroolka cagta ayaan marinay ciidamadii joogayna waan leynay, ka dibna ciidankeena dib ayey kaga soo gurteen goobta marka laga reebo laba walaal oo halkaas nooga shahiiday” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al Shabaab.

Mas’uuliyiinta hay’adaha Amniga ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Ammaanka ay toogteen laba ka mid ah raggii rasaasta ku furay barta koontorool oo ay Ciidamada Dowaladda ku leeyihiin Seybiyaan,kuwaas oo doonayay inay si awood ah wadada ku maraan.

Ilaha madaxa banaan ayaa sheegayo inay Kooxda Shabaab oo saarnaa gaari yar ay rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka isla markaasna ay toogteen qaar ka tirsan ciidamadii halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegayo inay Ciidamada Dowladda toogteen Seddex ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday, waxaana meesha sidoo kale ku dhintay dad shacab ah oo gaarayo illaa 4 qof halka uu dhaawaca intaas ka badan yahay.

Is rasaaseyntaan ayaa kusoo aadeyso saacado kadib markii ay Ciidamada Dowladda fashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu xoog ku maro jid ay Ciidamada Dowladda ku xireen Carro iyo dhagxaan.

Al-Shabaab weli ma aysan ka hadlin qaraxii lagu fashiliyey Muqdisho, waxaana caado u ah inaysan ka hadlin howlgalada ay ku fashilmaan.

Xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe aheyd meel dagan ayaa Maanta u muuqato mid khasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this