Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo afar Qof ku toogtay degmada Jamaame

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamaame (SMN) – Al-Shabaab ayaa markale ayaa afar qof shalay gelinkii dambe ku toogtay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Toogashada ayaa ka dhacday faagaare weyn oo ku yaalla degmada Jamaame ee ee gobolkaasi

Afarta ruux ee la toogtay ayaa saddex ka mid ah waxa ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka, halka mid ka mid ah uu ahaa ruux fal Zina ah ku dhacay isagoo guur soo maray, sida ay sheegeen Al-Shabaab.

Magacyada dadka la toogtay ayaa waxaa lagu kala sheegay:

1-Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir wuxuu ka tirsanaa ciidamada Booliska dowladda qeybta ka howgala magaalada Muqdisho balse Al-Shabaab ayaa ku qabtay weerar ka dhacay degmada Afgooye.

  1. Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 jir sana jir ah ayey sheeegeen Al-Shabaab inuu ka tirsanaa maamulka degmada Diinsoor sidoo kalena uu la shaqeynaya ciidamada Itoobiya ee ka howlgala halkaasi.

3-Iqra Cabdi Aadan oo 20 sana jir aheyd waxay sheegeen in ay u shaqeynaysay sirdoonka dowladda Kenya, kuna nooleyd degmada Mandheera gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Sidoo kale fagaaraha degmada Jamaame waxaa shalay lagu dilay Nuur Bakar Diirow  oo la sheegay in fal Zina ah uu ku kacay, isaga oo guur soo maray.

Marxuumka ayaa dhagax lagu dilay, sida Al-Shabaab ay ku baahiyeen bartooda Internet-ka.

Dhawaan ayey aheyd markii Al-Shabaab 10 qof oo ay ku eedeeyeen Basaasnimo ku toogteen gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this