Deeq A. Posted July 8, 2019 Ceerogaabo (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in dagaal khasaaro geystay saacadihii la soo dhaafay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa dib uga qarxay agagaarka degmada Ceel-Afweyne ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay illa shan qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in dagaalka uu sii xoogeysto, maadaama weli dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo gobolka Sanaag. Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku dagaalamay deegaano hoostaga degmada Ceel-Afweyne, waxaana iska dileen inta ay dagaalamayeentiro aad u badan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites