Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada ammaanka oo fashiliyey qarax gaari

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Muqdisho) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo ay fashiliyeen ciidamada ammaanka oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Digfeer degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa la sheegay in eryadeen gaariga, kadibna ay ka banjariyeen taayarada, sida ay Shabelle u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga ay saarnaayeen labo nin oo la sheegay inay diideen in ay ka soo dagaan, kadibna rasaas lagu furay ay dhalisay in gaariga uu qarxo.

Lama shaacin weli khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta isku geedamay ciidamo ka tirsan kuw Booliska ee magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

66076410_450442735519282_1990582857680027648_n 11 4422

Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this