Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Madaxweynaha Puntland oo sameeyay magacaabis cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi (Deni) ayaa sameeyey magacaabis cusub, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Degreetadan ayaa waxaa lagu magacaabay hanti dhowraha guud ee Puntland, xiisaabiyaha guud ee maamulkaasi, agaasimaha guud ee Bankiga iyo agaasimeyaal wasaaradeed.

Hoos ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee

Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Maamulka Puntland

Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Puntland

Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka

Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee maamulka Puntland

Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, Waana saxiixay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this