Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed markale ka qarxay degaanno hoosyimaada degmada Ceel Afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen dagaal gelinkii dambe ee shalay laba malayshiya-beeleed ku dhexmaray nawaaxiga degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay degaanka Duud-Carraale oo hoosyimaada degmada Ceel Afwe ee gobolka Sanaag kadib markii ay mid kamid ah labada malayshiya-beeleed ay weerartay halkaasi oo ay ku sugnaayeen malayshiyaadka kale.

Dagaalka oo mudda saacado ah socday ayaa sida la sheegayo istaagay wax yar ka hor salaaddii makhrib ee shalay waxaana labada malayshiya kala joogan meela isu muuqda sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay ku baxeen degaanka lagu dagaallamay si ay u kala dhex galaan labada malayshiyaad oo mar kale isu hub uruursanaya balse weli laguma guulaysan in la kala qaado.

Colaadda u dhexaysa labada beelood ee halkaas wada-dega ayaa soo noq-noqotay sannadihii u dambeeyay waxaana marar kala duwan buray heshiisyo hore loo dhex dhigay.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed markale ka qarxay degaanno hoosyimaada degmada Ceel Afweyn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this