Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Jubbaland oo ku bilaabatay loolan iyo is maquunin! maxaa xigi kara?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Loolan adag iyo lagdan xeeladeeysan ayaa saansaantoodu ka bilaabatay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee jubbaland oo uu ka socdo u diyaar garoowga Doorashadda Madaxweynaha iyo xulista Baarlamaanka.

Waxa muuqata in durba uu hanaanku ku billowday diidmo, isjiid-jiid iyo ismaquunin. Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya ayaa markii u horreeysay waxaa ay soo saartay war saxaafadeed gaar ah oo ku saabsan hanaanka Doorashadda Maamulka Jubaland.

Sida ay dooneeyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa diidan oo kasoo horjeda sida uu doonayo Maamulka Jubbaland ee uu Hoggaaminayo madaxweyne Axmed Madoobe.

Musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha Jubbaland oo is baheeystay ayaa dhankooda waxa ay diidanyihiin dhamaan talaabooyinka diyaar Garowga Doorashadda ee uu wado Guddiga Doorashadda Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay in guddigu uu ku jiro Gacanta Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa muuqato inay Doorashada Jubbalanad noqon doonto mid adag oo xataa laga cabsi qabo inuu dhiig ku daato maadaama warark la helayo ay sheegayaan inay dowladda Soomaaliya halkaas ka sameyn rabto dhaqdhaqaaq ciidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho isugu keento qaar badan oo ka tirsan Ugaasyada iyo Odayaasha Beelaha dago Jubbalanad kuwaas oo ay ka dhaadhacsiineyso sida u rabto inay u dhacdo Doorashada Jubbaland.

Ugaasyada ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah Ugaaska Beesha Mareexaan iyo Odayaal  dhaqameedyo kasoo jeedo Ogaadeyn waxaana Magaalada ka socdo kulamo xasaasi ah iyadoo dhanka kalana uu Axmed Madoobe Kismaayo isugu geystay odayaal dhaqameedyo kale oo isaga taageersan.

Axmed Madoobe ayaa u muuqdo mid aan marnaba u tanaasuli doonin Dowladda Dhexe cadaadis kasta oo saaro sida ay sameeyeen madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Xaaf iyo Shariif Xasan oo cadaadis badan kadib ogolaaday inay sameeyaan sida Dowladda rabto oo ah inaysan isku soo taagin xilka maamuladooda.

Indhaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa usii jeedo dhanka Jubbaland maadaama lagu kala baxay loolankii ka socday Galmudug oo u muuqdo inay dowladda ku guuleysatay.

Caasimada Online
Xafiiska KIsmaayo
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this