Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabab oo xukun dil ah ku fuliyey Haweeney lagu eedeeyay basaasnimo iyo 2 qof oo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamaame (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka J/Hoose ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xukun dil toogasho ah ku fulisay afar qof magaalada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Jamaame, waxayna afarta qof midkood ahayd haweeney, iyadoo haweeneyda lagu eedeeyay inay basaas u ahayd dalka Kenya, laba qof oo kale ayaa lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Sooomaaliya, iyadoo qofka afraad o uu ahaa nin lagu dilay dhagax oo lagu soo eedeeyay inuu gaystay kufsi.

Dadka la toogtay ayaa kala ahaa:

1- Suleymaan Maxamed Siciid oo 21 sano jir oo la sheegay inuu katirsanaa ciidamada Booliska dowladda qeybta ka howgala magaalada Muqdisho, laguna qabtay weerar ka dhacay Afgooye.

2- Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 sano jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa maamulka degmada Diinsoor.

3- Iqra Cabdi Aadan oo 20 sano jir aheyd waxaa lagu eedeeyay inay u shaqeyneysay Sirdoonka dowladda Kenya, iyadoo deganayd degmada Mandheera.

4- Nuur Bakar Diiroow oo la sheegay inuu hore u guursaday laguna eedeeyay inuu kufsaday Gabar lagu magacaabo Xaawo Cabdi Muuse oo 16 sano jir ahayd, waxaana lagu dilay Dhagax

Muddooyinkan danbe ayaa kooxda Alshabaab waxay xowli ku wadaa fulinta xukunno fara badan oo dil ah, waxayna bishan gudaheeda fuliyeen dilka 18 qof oo dembiyo kala duwan lagu soo eedeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this