Sign in to follow this  
Deeq A.

Galeyr oo kashifay arrin looga been sheegay Shacabka Somaliland safarkii dalka Gini

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tagay dalka Gini.

Prof. Galeyr ayaa shaaciyey arrin uu ku sheegay in bulshada reer Somaliland laga qariyey isla markaana looga been sheegay, taasi oo ku saabsan socdaalka Madaxweyne Biixi uu ku tagay caasimada dalka Gini.

Galeyr ayaa sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo dowladda Gini u saxiixday Madaxda Somaliland ee booqashada ku tagay, oo ay ku ictiraafeyso dowladda Somaliland.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in looo baahan yahay in dib loo furo Wada-hadalada fashilmay ee Somaliland iyo Somaliland, isagoona xusey in la diidan yahay in wada-hadaladaasi dib u furmaan.

Prof. Cali Khaliif Galeyr oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Heshiis ay Gini ku soo saxiixayso ma jirto, ictiraaf ay ku saxiixaysana ma jiro, war dadka yaan la madalufine, inagoo miyir qabna oo aan is yeel-yeeleyn aan wada-hadalno, wada-hadalna lama ogolo”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this