Deeq A. Posted July 7, 2019 Musuq-maasuaqa Madaxwayne xigeenka dowlada Puntland 1.1 Horudhac Ahmed Elmi Osman waxaa loo doortay madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland ee Somalia 8 August 2019. Ahmed waxuu ka soo qabtay dawlada Puntland xilal heer wasiir oo kala duwan sida, wasiirka duulista iyo garoomada oo ka uu ka noqday laba jeer, iyo wasiirka wasaarada arimaha gudaha. Waxuu xilka madaxwayne ku xigeenka isu soo shaxay laba jeer oo ku jirto markii ugu danbaysay oo uu ku guulaystay. Ahmed mudadii uu shaqaynayay waxaa lagu soo eedayay khaladaad fara badan oo ah dhanka shaqada lalana xiriiriyay aqoon daro, khibrad la’aan shaqo, musuq-maasuq, laaluush, dilal iyo isku day dilal qorshaysan. 1.2 Aqoon la’aan iyo khibrad xumada shaqada Ahmed waxuu waxbarashada kaga tagay dugsi hoose dhexe, muddo ka dib waxuu helay shahaado dugsi sare oo uu lahaa inaadeerkii lana orah jiray Ahmed Xasan Guure, waana hada magaca ay u yaqaanaan dhamaan shaqaalihii la shaqayn jiray xiligii dawladii Maxamed Siyaad Bare iyo dhamaan asxaabtii uu kulahaa magaalada Muqdisho xiligaas. Mudanahan, waxuu shaqo ka soo qabtay dawladii Maxamed Siyaad isagoo ka gaaray heer Agaasime waxed oo garabaysi ah. Sidoo kale intuu qaxooti ahaan u tagay Maraykanka waxuu ahaa Taxi driver, sida ku cad kaadhka wadida gaariga oo la helay mar uu ka lumay. Mid ka mida shaqaalaha la soo shaqeeyay Ahmed waxuu noo sheegeen in u soo fariisto xafiiska laba arimood oo uu aad u jecelyahay kalana ah “Shaah iyo faan”. Waxuu ku daray sidoo kale khibrad shaqo waxuu aad uga yaqaan isku dirka iyo warka shaqaalaha taas oo uu waqti badan ku lumiyo waxaa caydayn u ah, garoonka diyaadaaha ee caasimada Puntland markii laga baaciyay saddex shaqaale ah oo u keenay waxa uu yaqaan dhaga-dhagaysi ka dib markii ay awoodi waayeen in ay la shaqeeyaan dadkii iyo masuuliyiintii goobta ka shaqaynayay. 1.3 Musuq-maasuqa iyo Laaluushka Waxaa jira ciidan loogu yeedho ciidanka Ahmed Karaash oo ka qaramaysan ciidamada dawlada Puntland kuwaas oo wata gaadiid dhan 12 gaari oo ay soo gadeen jaaliyada Naalaye Ahmed xiligii uu madaxwaynaha ka ahaa maamulkii Sool clan dhisteen ee Khaatumo. Ciidanka tiradiisu waa 60 askari halka uu mushaharka uu ku qaato 183 askari. Dalacsiinta saraakiisha waxaa sameeya Ahmed karaash, waxaadna arkaysaa wiil uu adeer u yahay oo baadiye ka soo galay waligiina arag wax ciidan ah oo xiran darajada kornayl ama gaashaanle dhexe oo uu xidigaha uga soo gaday suuqayada wadanka Ciidanka waxaa hada sarkaal ka ah wiil uu adeer u yahay Mahamed Farah Jamc waxaana ku xegeen ka ah mid kale oo uu adeer u yahay Carabay waxaa sidoo kale xisaabiye ka ah wiil kale oo uu adeer u yahay Saciid Cali warsame xataa uma dhama xilka ciidanka beesha uu ka sii yahay Naalaye Ahmed ee Bihidarays. Sidaa darted markuu la hadlo saraakiisha ciidanka ee jiida la dagan kuna dhaho ciidamada waa la tira koobayaa waxay dhahaan kuwaaga ka soo bilow anagu waxaan xerada ciidankaaga u naqaan meesha lagu karkariyo musuq-maasuqa iyo caaglaysiga, “tuugna tuug ma baaro” ayay dhaheen saraakiisa ciidamada. Sidoo kale waxaa jirta qaybta booliska gobolka Sool uu haysto nin lagu magacaabo Aadan Foortayn waxayna ka kooban yihiin 83 askari oo isug jira degmooyinka gobolka Sool oo dhan. Ciidankan xaquuqdooda waxaa qaada taliyaha qaybta booliska gobolka sool. Ahmed Karaash markuu ka waayay wax laaluusha taliyaha qaybta gobolka Sool waxuu madaxwaynihii hore Abdiwali Ali Gaas ka soo qarameeyay ciidanka booliska degmada Xudun oo dhan 180 askari, waxaa la yaab leh Xudun baa boolis kabadan gobolka Sool waxuuna qaata xaquuq ka badan tan gobolka Sool sida Mushahar, Raashin iyo howlsocodsiin qaybta Xuddun. Waayaabe “Ahmed Karaash ma Madaxwaynaa Mise waa taliye qaybeed”. Ahmed waxuu aad u xiiseeyaa laaluushka, uma yaqaan wax xaaraan ah ama sharaf daro u keenta laakin wuu ku faana, dadka siin waayana way isku dilaan sidii uu wax u dhiibtay. Mar aanu wax ka waydiinyay xisaabiyihii gobolka Sool ee ku soo saaray degreetadiisii ugu horaysay, waxa ay isku qabteen, waxuu noo sheegay in Ahmed ka qaadi jiray Foosto shidaala oo baada ka dibna dhaqaalo xumo darteed markuu awoodi waayay uu dagaal toos ah ah ku soo qaaday kana baaciyay shaqadii, taas waxaa sii dheer oo uu noo sheegay in xiligii doorashada uu Ahmed waydiistay in uu hanti waxuu leeyahay u gado si uu laaluush ugu siiyo xildhibaanada dooraanaya uuna ka diiday taas ayaa aad ugu kicisay caro. 1.4 Dilal iyo isku day dilal qorshaysan Dhiiga dadka islaamka ah waa wax uu caadaystay Muddane Ahmed waxayna isugu jiraan shacab, ciidamo isaga lagu ogaa, iyo dad siyaasiyiin ah. Waxaa jirtay gabar uu mehersaday oo hada u haysa wiil ay u dhashay, gabadhaas oo uu Ahmed ka qariyo reerkiiska kale iyo qabiilkiisa maadaaba ay si nadiif ah ku bilowman xiriirkooda, uuna aaminsan yahay in ceeb ku tahay in lagu xiriiriyo, waxaa ogaatay xaaskiisa, waxayna u dirtay ciidanka in ay ka dhameeyaan nafta si qarsoodi ah. Allah dilaa dhintee dhaawac xun baa soo gaaray gabadhii waxaana lagu dhuftay xabad, kadib fashilkii isku dayga dilka ahaa Axmed waxuu ku qasbay gabadhii in ay ka baxdo Garowe, magaalada Hargaysana dagto kuna dhasho. Ilaa iyo hada nimankii isku dayga dilka sameeyay waxay joogaan guriga Ahmed wax laga qabtayna ma jirto wax wada xaajood ah na lalama galin gabadha reerkooda balse waxaa laaluush lagu siiyaa iyada si ay u qariso. Mar aanu wax ka waydiinay arkinkaa waxay noo sheegtay in biil iyo guri kiradii uu bixiyo Ahmed bil walba “Waa yaabe gabadhu iyadaaba majeerteenee tolkeed mee” Sidoo kale mudadii uu Ahmed ahaa Jabhada waxaa jiray ciidamo badan korna u dhaafaya 70 oo naftooda ku waayay dagaaladii uu hormuudka ka ahaa, kuwo badan oo kamida isaga ayaa amray in la dilo waxaana noo sheegay sarkaal ka tirsanaa ciidankiisa oo hada wax shaqo ah u hayn “Waxaan qarin doono ma jirto ee dhiiga dadka waliba tolka ha iska bixiyo hana qirto” ayuu dhahay sarkaalkani. Ciidankan uu laayay Ahmed waxay u badan yihiin beeshiisa waxuuna ku sababayn jiray waa amar diideen iyo waa basaas Somaliland ma Puntland ah. Taas waxaa ka sii yaab badan sarkaalku waxuu noo sheegay in ciidanka uu laayay Ahmed uu qaato musharkooda isagoo markuu Puntland soo galay ka qarameeyay ciidanka dawlada Puntland, waxuuna u yaqaan musharkii ciidanka dhimashada, “gooni baan uga dhignaa oo isaga ayaa qaata waxuuna ku beega kirada gurigiisa, nalka iyo biyaha” “Waxaad ka arki kartaan listiga ama magacyada ciidanka Ahmed karaash ee qaramaysan dhamaantood magacyadooda waadna waydiin kartaan reerahooda in wax musharaha la siiyo ciyaalka agoonta ah” ayuu dhahay sarkaalkan. Sida ku cad degreetada madaxwayna ee shaqo ka joojinta xisaabiye gobolka Sool oo an sharci ahayn, ma jirto wax eedayn ah oo ku cad qoraalka Ahmed, Wasaaarda maaliyaduna kuma raacin ama aqbalin go’aankan aan laga fiirsan ee Madaxwayne ku xigeenku gaaray kaligii. Mar aanu waydiinay wasaarada maaliyada sababta xaquuqda shaqaalahooda u ilaalin waayeen waxay noo sheegeen in ninkaas shaqada laga cayriyay ahaa shaqshida ugu wacan wasaarada laakin naftiisa u baqeen maadaaba Ahmed dhowr jeer ku goodiyay in uu dilayo haddi meesha laga baacin. 1.5 Gabgabadii Puntland waxay madaxwayne u dooratay nin aqoon alahayn oo ku shaqaysan jiray magac aanu lahayn, sidoo kale been ka sheegay baarlamaanka hortiisa inuu dhameeyay jaamac accountance ah. Sidoo kale waxay doorteed madaxwayne ah madax laaluushka iyo caaglaysiga, qaatana mushar, raashin iyo adeeg boolis oo aan sharci ahayn. Puntland waxay dooratay nin dilaa ah oo cadaystay dhiiga dadka Muslimka ah sida aan hore u soo sheegnay xoogna ku haysta xaquuqda ma yeeraanka ah sida gabdhaha reer Puntland oo isku dayay in uu dhilo. Sidoo kale waxay Puntland dooratay nin aan xeerin xaquuqda shaqaalaha dawlada aan raacin sharciga uga yaal dawlada Puntland ee shaqaalaha taasna waxaad ka garan gartaan degreetadii koowaad ee uu qoray markii la doortay oo dhamaan dadkoo dhan iyo wasaaradii uu ka tirsanaa shaqsiga uu xilka ka qaaday la yaabeen. xog.warameh@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites