Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo soo saartay digniin culus oo ku socoto Dowladda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online)-  Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Warka soo saartay Doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan maamul Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Puntland ayaa waxa looga hadlay Go’aankii xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo looga hadlay habraaha Doorashada maamulka Jubbaland.

Puntland ayaa dowladda Federaalka uga digtay inay faragelin ku sameeyso Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug,kuwaasi oo kala dhici doona Bishan July  iyo Bisha soo socota ee 2019,iyadoona dowladda labada Doorasho horey war uga soo saartay.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka ku booriyay inay ixtiraamto dadka reer Jubbaland iyo Galmudug si ay u soo doortaan Madaxdooda si waafaqsan Shuruucda iyo Dastuurada u gaarka ah labada maamul Goboleed.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Puntland

66400308_1576213719179228_80899109474617

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this