Deeq A. Posted July 7, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada Booliska Galmudug ayaa maanta bandhigay Haweeney la sheegay in ay iska dhigi jirtay nin, taas oo in muddo ah ku nooleyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdullaahi, balse waxa ay dadka deegaanka u yaqaaneen Deeq Cabdullaahi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Haweeneydani ay hubeysneyd, islamarkaana lagu soo qabtay Bistoolad ay sheegtay inay ku ilaalsan jirtay Dukaan ay laheyd Maxamed Nuur Cali oo ah taliyaha Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan, ayna ku socdaan baaritaano xoogan. Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Haweeneydani ay xiriir la sameysay Haween kale, iyada oo iska dhigeysa Rag. Lama oga waxa ku kalifay Deeqo tallaabada ay qaaday, balse waxaa weli dabagal ku haya laamaha amniga ee maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites