Deeq A. Posted July 7, 2019 Cadaado (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa gaari Cabd Bile ah oo maanta ku rogmaday duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Gaarigan ayaa la sheegaya in ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Galmudug. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo ka tirsan Ciidamada maamulkaasi. Askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa in ay ku jiraan kuwa halis ah, kuwaas oo hatan xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Cadaado Dhinaca kale taliyeyaasha ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaaladaasi. Taliyeyaashan oo ka soo baxay Dhuusamareeb ayaa Cadaado ay u tagay arrimo la xariira diiwan gelin ciidan oo ay dowladdu ka wado deegaanada Galmudug. Kadib booqashadii Ra’iisul wasaare Khayre ee Galgaduud dowladda dhexe ayaa la wareegtay ciidamadii Ahlu-Sunna iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites