Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo dameer ciyay ku tilmaamay dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayey oo safar ugu maqnaa dalka Guinea conakry ee ku yaalla galbeedka Qaaradda Afrika, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Hargeysa oo ku lebbisan calanka Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa madaxweyne Biixi ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayey dadkii soo dhoweeyay, ayaa ka warbixiyay safarkiisi dalka Guinea conakry oo uu ku tilmaamay mid guul u soo hoyiyay Somaliland, isagoo uga mahadceliyay madaxda waddanka Guinea sida ay hab-maamuuska ay siiyeen wefdigiisa.

Dhinaca kale, wuxuu dameer ciyay ku tilmaamay hadalkii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheegtay in ay xiriirka u jartay waddanka Guinea conakry kadib markii Muuse Biixi si hab-maamus sare leh loogu soo dhoweeyay.

Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland oo dameer ciyay ku tilmaamay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this