Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo Villa Somalia digniin ku siisay in aysan fara-gelin doorashada Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya fara-gelinta qaawan ay ku hayso doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland oo sida qorshaysan dhici doonta 30-Agoosto 2019.

War-saxaafadeed ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo tixraacaya qoraalkii ay xalay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa habraaca doorashada Jubaland ayaa looga digay xukuumadda Federaalka fara-gelinta ay ku waddo doorashada madaxtinimada Jubaland.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Villa Somalia ku boorrisay in ay ixtiraamto doorashooyinka u qorshaysan dadka reer Galmudug iyo Jubaland si ay madaxdooda u soo doortan hab waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka.

Dhanka kale Puntland waxay dowladda Federaalka iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ku waanisay in la ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka dalka lagana fogaado wixii khilaaf cusub iyo xiisad keeni kara.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland

PUNTLAND.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo Villa Somalia digniin ku siisay in aysan fara-gelin doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this