Deeq A. Posted July 7, 2019 Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in baraqanimadii maanta Markab sida hub uu ku xirtay Dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Markabkan ayaa la sheegay inay dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana hubkaasi loo wado qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inuu isku dayay in si hor istaag ku sameeyso hubkaasi, balse waxaa ka hortagay tallaabadaasi ciidamada MAISOM. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ugu dambeyn ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 43-aad ay la wareegn hubkaasi. Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in bandow xoogan Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo qariyay magaciisa sababo dhinac ammaanka ah ayaa Shabellle uga warramay arrimahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi-Nuur-Cabd-Dayib-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites