Deeq A. Posted July 7, 2019 Haregeysa (SMN) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtay Hargeysa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladaasi. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Biixi ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey dadweyne fara badan oo isugu baxay magaalada Hargeysa oo xarunta maamulkaasi. Sidoo kale banaanbaxyo waa weyn oo qeyb ka ah soo dhaweynta wafdigan ayaa ka dhacay halkaasi. Dadweynaha ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin Sawirka Madaxweynaha Somaliland iyo sidoo kale kuwa ay ku qoran Erayo ay ugu mahadcelinayaan shacabka iyo madaxda dalka galbeedka Africa ku yaalla ee Guinea. Muuse Biixe Cabdi ayaa u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay in Somaliland ay si wadi doonto qorshaha ay ku ballaarineyso xiriirka arrimaha dibadda. Dhawaan wafdigani ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Guinea, taas oo sababtay in dowladda federaalka ay gabi ahaan xiriirka u jarto dalkaasi, kadib markii ay sheegtay inuu ku xadgudbay Madax bananida iyo Qaranimnada Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites