Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo gebi ahaanba diiday xisaab-xirka Miisaaniyadii Puntland ee 2018

Recommended Posts

Deeq A.   
10-7.jpg?w=1000&ssl=1Baarlamanka Puntland oo diiday xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2018

Golaha wakiilada dowladda Puntland oo maalmahan ka doodayey, xisaab-xirka Miisaaniyaddii Puntland ee 2018 ee wasiirka Maaliyaddu uu Golaha horkeenay 30-June-2019, ayaa maanta cod gacan-taag ah ku diiday ansixinta Miisaaniyaddaasi.

Golaha ayaa kor inta aysan u codayn xisaab-xirka Miisaaniyadda, waxay warbixin ka dhegaysteen Hanti-dhawrka guud ee Puntland, waxaana Xafiiska Hanti-dhawrku sheegay in aan gebi ahaanba lagu dhaqmin Miisaaniyaddii Puntland ee sannadkii 2018, islamarkaana ay khaladaad badan ka muuqdan sida loo kharash gareeyay dakhligii soo xerooday.

Warbixinta Xafiiska Hanti-dhawrka guud kadib, ayaa mudanayaasha Baarlamanku cod gacan-taag ah u qaadeen, ansixinta xisaab-xirka Miisaaniyadd,a waxaana ogolaaday 12 mudane, halka ay diideen 27 mudane oo kale, hal xildhibaanna ka aamusay, iyadoo wadarta guud ee kulanka fadhiday ahaayeen 40 mudane.

Xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2018 ee maanta Baarlamanku diiday, ayaa loo gudbin doonaa xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, sida uu qabo qodobka 137.2 ee Dastuurka dowladda Puntland.

Golaha ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay, in dib u-habayn lagu sameeyo Hanti-dhawrka guud iyo Bankiga dhexe ee Puntland, islamarkaana dib loo eego xeerarka ay ku shaqeeyaan, iyadoo qodobkaasi ay ogolaadeen 39 mudane hal xildhibaannada ka aamusay.

Waxaa kale oo Goluhu ogolaaday in uu soo saaro, xeer cusub oo Xisaabiyaha guud ee Puntland looga madax-bannaynayo wasaaradda Maaliyadda.

Halkaan ka daawo sida codayntu u dhacday

  • 1-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-18.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-16.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-8.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo gebi ahaanba diiday xisaab-xirka Miisaaniyadii Puntland ee 2018 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this