Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayey gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)  Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo muddo saacado ah qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dad Xoolo dhaqato ah, sida ay Caasimada Online u xaqiiiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Mid ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka la dagaalamaya Al-Shabaab oo qariyay magaciisa ayaa sheegay inay dileen illaa 5 ka tirsanaa Kooxdaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xubnaha ay dileen isugu jiraan saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen Lacago Sakawaad ah, taas oo sababtay in ay la agaalamaaan Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay xiisado u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa waxa ay ka taagnaayeen gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Gobolladan ayaa waxaa ka aas aasmay koox deegaanka ah oo la magac baxday Macaawiisley oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this