Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney dumar kale guursatay oo Gaalkacyo lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha qeyba Booliska gobolka mudug ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Cali ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gabadh mudda iska dhigeysa in ay nin tahay islamrkana dumar kale ku guursatay magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa sheegay in gabadhaas lagu magacabo Deeqo Abdulaahi la qabtay iyadoo ku hubaysan bastoolad waxaana uu tilmaamay in baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen kadib la ogaaday in aysan nin ahayn.

Gabadha ninka iska dhigeysay oo weriyaasha loo soo bandhigay aya qiratay in waxa lagu soo eedeyay uu run tahay iyadoona dhinac kale sheegtay in bastooladda lagu qabtay ay ku waardiyeesan jirtay dukaan ay laheyd.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee taliyaha

PUNTLAND POST

The post Haweeney dumar kale guursatay oo Gaalkacyo lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this