Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoola-dhaqato hubaysan oo la sheegay in ay saraakiil ka dileen Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka degaanka iyo maleeshiyaadka Alshabaab ayaa la sheegaya in uu ka dhacay degaanno u dhexeeya degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Wakaaladda SONNA ayaa sheegtay in Dagaalka uu bilowday kadib markii maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab ay dadka xool-dhaqatada ah ee ku nool dhulkaasi ku amreen in ay xoolo keenaan balse ay fuliyaan dalabka Al-shabaab.

Xoola-dhatada degaanka oo hubaysan ayaa sida wakaaladdu sheegtay waxay malayshiyaadka Al-shabaab ka dileen ugu yaraan 5 dagaallame oo saraakiil ku jirto kadib dagaal culus oo labada dhinac dhex maray.

Ha’yeeshee SONNA kama aysan hadlin khasaaraha gaaray dadka xoola-dhaqatada ah ee Al-shabaab la dagaallamay sidoo kalena ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Al-shabaab ayaan dhankooda weli wax war ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay gobolka Hiiraan iyo khasaaraha ka dhashay midna.

PUNTLAND POST

The post Xoola-dhaqato hubaysan oo la sheegay in ay saraakiil ka dileen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this