Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo ku dhawaaqeyso guddiga dib u heshiisiineed

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhawaan uu ku dhawaaqi doono guddiga arrimaha dib u heshiisiinta ee Galmudug.

Khayre ayaa tilmaamay in haatan uu wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu wada tashiyo ugala sameeyo arrimahaasi.

Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay Madaxda Galmudug go’aanka ay qaateen, si xal looga gaaro khilaafka ragaadiyey maamulkaasi.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaban qaabadii ugu dambeyso ee loogu jiro soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo halkaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa in ka badan hal Isbuuc ku sugan deegaanada maamulka Galmudug, halkaasi oo uu ka wado kulamo xal raadin ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this