Deeq A. Posted July 7, 2019 Muqdisho (SMN) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Keyna Faarax Macalin oo uu warramayay Shabelle ayaa ugu horreyn ka hadlay xiisada u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo salka ku heysa arrimaha Badda. Faarax Macalin ayaa sheegay inay horay wasiirka arrimaha dibada Kenya Munica Juma ay goojoog uga soo aheyd shirar ka dhan ahaa Soomaaliya, islamarkaana adduunka intiisa kale looga gudbanayo in dad xun ay yihiin Soomaalidu. Waxa kale uu tilmaamay in haatan ay iyadu hormuud ka tahay khilaafkan, islamarkaana ay sii hurineyso, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale Faarax Macalin ayaa ku eedeeyay dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga in ay gadaal riixayaan xiisadaasi. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Keyna ayaa carabka ku dhuftay in sirdoonada dalalkaasi oo ku xoogeysatay gudaha Kenya, islamarkaana ay qeyb weyn ku leeyihiin khilaafka sii xoogeysanayaa ee Soomaalia iyo Kenya. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cc.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites