Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo ganacsade Soomaali ah ku dilay K/ Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

Pretoria (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ganacsade Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Africa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka lagu dhex toogtay goobtiisa ganacsi, iyadoona raggii ka dambeeyay dilkiisa oo burcaad ahaa ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuum Xuseen Cali Saqiir ayaa la sheegay in kaliya sagaal bilood uu joogay gudaha dalkaasi.

Inta badan waxaa Koonfur Africa dhibaatooyin xoogan loogu geystaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this