Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo socdaalkii ugu horreeyay ku imaanaya caasimadda Puntland ee Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergeyga gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa markii u horrraysay la filayaa in uu todobaadkan socdaal ku yimaado magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Wararka laga helayo xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa sheegaya in Mr Swan uu Isniinta berriya socdaal ku imaan doono magaalada Garoowe isagoo la kulmi doona madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan golaha xukuumaddiisa waxaana sida la sheegayo kulankoodu u badnaan doona is-barasho maadaama Ergeygan uu cusubyahay.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doona xoojinta wada-shaqeynta dowladda Puntland iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee (UNSOM) oo Mr Swan oo la soo magacaabay 30-kii bishii May ee sannadkan kadib markii dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay ergeygii ka horreeyay ee Nicholas Haysom.

Waxaa kale oo la sheegayaa in ay ka wada-hadli doonaan xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaanna xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo aan wanaagsaneyn iyadoo puntland ay bishii May ee sannadkan joojisay xiriirkii wada-shaqayneed ee kala dhexeeyay Villa Somalia.

Puntland ayaa hore u ballan-qaadday in ay si dhow ula shaqeyn doonto ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u soo magacowday Soomaaliya James Swan sida ku xusan dikreeto 3-dii bishii June ee sannadkan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay magacaabistiisa.

PUNTLAND POST

The post James Swan oo socdaalkii ugu horreeyay ku imaanaya caasimadda Puntland ee Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this