Sign in to follow this  
Deeq A.

Nigeria oo ku dhawaaqday go’aan farxad galiyay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Nigeria ayaa ku dhawaaqday go’aan farxad galiyay Soomaaliya, waxaa sheegtay in ay si weyn taageersan tahay go’aankii ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea.

Nigeria ayaa ku eedeysay Guinea in ay ku xadgudbtay madax banaanida Soomaaliya, islamarkaana ay qaatay tallaabo aad looga xumaado.

Mid ka mid Senatorada aqalka sare ee dalkaasi oo lagu magacaabo Shehu Sani ayaa sheegay in ay khalada tahay in dal ka mid ah Africa uu wax aqoonsi ah siiyo Somaliland ama xittaa gobolka kale.

”Waa Khalad in Guinea ama dal ka mid ah galbeedka Afrika uu wax aqoonsi ah siiyo Somaliland ama xitaa gobol kale oo gooni u goosad ka ah Soomaaliya,” ayuu yiri Sani.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Nigeria ay aqoonsan tahay hal Soomaali, islamarkaana ay arrimahooda kala xaajinayaan  owladda federaalka.

“Waxaa jira hal Soomaali, oo aan aqoonsannahay annaga,wanaa in aysan isbeddelin,waxa Soomaaliya ka socda waa iska xaalad, maalin ayeyna noqon doonaan Taariikh”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

NN-1.jpg

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay gabi ahaan xiriirkii u jartay Guinea, kadib markii ay soo dhaweyn maamuus sare keh u sameysay Madxaweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this