Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo bilowday dagaal toos ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Caawa soo saartay habraaca doorashada madaxtinimo ee maamulka Jubaland, kaasoo la filayo iney dhacdo bisha 8-aad ee sanadkan 2019.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in Wasaarada iyo xubno ka socda beesha Caalamka ay goob joog ka noqon doonaan geedi socodka doorashada.

Halka doorashada ka dhaceyso ayey Wasaarada ku sheegtay iney noqoneyso xarunta Qaramada Midoobe ee magaalada Kismaayo ama Akadeemiyada Booliska ee magaalada Kismaayo, sid aku cad qoraalka.

Wasaaradda ayaa ku baaqday inay xildhibaanada soo xulaan Odayaasha Rasmiga ah ee Jubbaland isla markaasna halkii kursi loo soo xulo Hal Xildhibaan oo kaliya.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay iyadoo la tixgelinayo qoondada Haweenka in laga rabo beel kasta oo ay kusoo aado 3 xildhibaan inay halmid ka  dhigaan Haween.

Hadalka kasoo baxay Wasaaradd ayaa u muuqday mid lagu doonayo inu awood loogu sheegto Maamulka Jubbaland isla markaasna waxaa ka muuqday Hanjabaad iyo inay dowladda rabto inay faragelin ku sameyso doorashada Jubbaland.

Dowladda ayaa u muuqato inay dagaal kula jirto Axmed Madoobe oo ah Hoggaamiyaha Jubbaland kaasoo diiday inay dowladda wax saameyn ah ku yeelato doorashada Maamulkaas isagoo magacabay guddi Doorasho.

Dowladda ayaa dhawaan weerar siyaasadeed ku qaatay Galmudug, waxayna u muuqataa inay markaan usoo jeesatay Maamulka Jubbaland inkastoo la qiyaasayo inuu Axmed Madoobe ka saameyn badan yahay Xaaf isla markaasna ay adkaan doonto inay dowladda hesho duleel ay kasoo gasho.

Axmed Madoobe ayaa awood ahaa gacanta ku hayo Kismaayo, wuxuuna leeyahay ciidamo badan oo aan hoos tagin kuwaas oo daacad u ah Axmed Madoobe tan iyo markii uu Shabaab ka tirsanaa iyo markii uu ka baxay oo uu Raaskambooni sameystay.

Axmed Madoobe ayaa waraaqo horey ay usoo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku tilmaamay inay yihiin kuwa riyi ah isla markaasna aysan dowladda awood u laheyn inay soo farageliso doorashada Jubbaland.

87e4e76b-e17f-4901-a29b-1373f31870b1.jpg b0baa4c9-152d-4c0d-aac7-302ce7134b39.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this