Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah: Wafti uu hogaaminaayo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Negar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafti uu hogaaminaayo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland mudane Yaasiin Maxamuud Faratoon ayaa goordhawayd ka degay caasimada Niamey ee dalka Negar, dalkani oo dhaca galbeedka Afrika ayaa maanta si heer saraysa wasiir Faratoon loogu soo dhaweeyay madaarka dalkaasi iyada oo uu maadaarka ku qaabilay dhigiisa dalkaasi iyo saraakiil sar sare oo ka socotay wasaarada arimaha ee dala Republic of the Niger.

Lama hubo inta cisho ee uu waftigu joogi doono dalkaasi hase ahaatee waxa ay wararka ay helayso shabakada qarannews, xaqiijinayaan in wasiirku uu halkaasi ku tagay martiqaad rasmi ah sidoo kalana uu halkaasi kaga qayb gali doono shir caalami ah oo wadamo badan oo caalmka ahi ay halkaasi isugu imanyaan, waxana ay wararku sheegayaan in shirkaasi Somaliland si rasmi ah loogu marti qaaday.

Wasiir Faratoon ayaa ka mid ahaa wafti balaadhan oo booqasho ayaamahanba ku joogay dalka Guinea, waftigaasi oo uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, socdaalkaasi oo ka cadhaysiiyay dawlada taagta daran ee lagu ilaaliyo magaalada Muqdisho, taasi oo aan wax shaqo ah ku lahayn Somaliland oo midnimadii ay la gashay 1960kii dib uga laabatay 1991kii.

Somaliland ayaa ku taagan xuduudihii isticmaarka ee Afrika iyo meelo badan oo dunida ahba lagu kala calaamadiyay, Somalilandna kama mid ah dawlada fadaraalka ee Somaliya ee ku fashilantay wixii loo sameeyay oo ahayd dib u heshiisiinta dadkeeda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this