Sign in to follow this  
Deeq A.

Muran ka dhex-qarxay W/Caafimaadka iyo G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kala aragti duwanaanshiyo cusub ayaa waxay soo kala dhex-gashay Wasaaradda Caafimaadka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Murankan ayaa wuxuu salka ku hayaa cidda bixineysa adeega caafimaadka ee la siinayo dadka sanadkan aadaya Xajka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in uu isagu diyaari-garoobay arrintaasi, isla markaana uu isaga sharci ahaan xaq u leeyahay bixintiia.

Balse wasaaradda caafimaadka ayaa dhankeeda war-saxaafadeed ay soo saartey ku sheegtau in ay iyaddu bixineyneyso, una diyaarisay koox.

Hasa ahaatee, duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si kulul u dhaliilay Wasaaradda, isaga oo ku qaadey weerar afka ah.

“Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir, halka Wasaaradu mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka gobolada oo dhan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow].

WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADDA

66276820_2147121602077680_7716649680662167552_n.jpg?_nc_cat=102&_nc_oc=AQlHJG5fc3_IHsoZgYBxEBFGC-bfjmh7ibuT9DMID3lczAJQMBY9lWvpVThHxPDRJUI&_nc_ht=scontent-lht6-1.xx&oh=f66adc8aca714f4f22de8a050b1956d5&oe=5D787516

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this