Sign in to follow this  
Deeq A.

Yariisow oo Tiray Qoraal Ka Dhan Ahaa Wasaaradda Caafimaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdiraxmaan Yariisow oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho ayaa tiray qoraal uu ku weeraray Wasaaradda caafimaadka, isaga oo ku tilmaamay mid maseyrsan, oo xaasid ah. Yariisow waxaa qoraalkiisa ku jiray.

”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Duqa Muqdisho oo sii-hadlaya waxaa uu yiri.

“Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”.

waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ku aadan qoraalka uu soo saaray Yariisoow.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this