Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kormeeray saldhigyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Galgaduud (SMN) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ku sugan degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagay Saldhigyada Ciidanka Boliiska ee Caabudwaaq, Balanballe iyo Xeraale.

Janaraal; Ameeriko, ayaa xarumahii uu booqday kula kulmay Saraakiisha Saldhigyada iyo qaar ka mid ah Ciidanka Boliiska, isagoo si goonni-gooni ah ugu wareystay xaaladda halkaasi ka jirta iyo waxyaabaha ay tabanayaan, si looga gacan siiyo.

Bashiir Cabdi Maxamed, taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa wuxuu Boliiska Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay sii Laba laabaan dedaalkooda, kana soo dhalaalaan shaqada adage ee ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

FB_IMG_1562356830674.jpgFB_IMG_1562356836467.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this