Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho Oo Wasaaradda Caafimaadka ku Tilmaamay Xaasid Maseyrsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdiraxmaan Yariisow, duqa Muqdisho ahna  guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka jawaabayey buug caafimaad oo ay soo saaratay wasaaradda caafimaadka ayaa ku tilmaamay mid ay ka muuqato maseyr iyo xaasidnimo. Mr. Yariisow oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri

”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto.

Duqa Muqdisho oo sii-hadlaya waxaa uu yiri “Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasadda heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta goor sii horeysay Soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso iney dhameystirka buug caafimaad, oo qalabkii iyo shaqaalihii ay diyaarisay, Arrintan oo u cuntami weysay gobolka Banaadir.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this