Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo laga dalbaday in uu Baarlamanka hor-yimaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar-jecel oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre in uu hor-yimaado Golaha shacabka si uu warbixin uga siiyo arrimaha kiiska badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganayso.

Mudane Ciyaar-jecel oo ka hadlayay kulankii Golaha shacabka ee naanta ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo in ay Baarlamanka warbixin ka siiso halka ay marayso arrinta kiiska badda Soomaaliya ee Kenya ku soo xadgudubtay.

Waxaan codsan lahaa haddii Baarlamanku igu raaco in xukuumaddu ay na hor-timaaddo Prime minister Khayre uu hortayada yimaado mowqifka dowladda oo aan ku jirin lab-laab iyo debloomaasiyiin siyaasadaysan in uu Baarlamanka ka hor akhriyo” ayuu yiri xildhibaan Ciyaar-jecel.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumaddu aysan Golaha shacabka xog ka siin halka ay marayaan arrimaha kiiska badda Soomaaliya ee Kenya muranka gelisay sidaasi darteedna ay Baarlamanka ku adkaatay in ay shacabka u caddeeyan mowqifka dowladda.

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa dhowr jeer oo hore  ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha inuu hor-yimaado, waxaase dalabkaasi ka war-wareegay guddoonka Golaha oo aan codsiga xildhibaannada fulin, una yeerin Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos ka daawo hadalka xildhibaanka

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo laga dalbaday in uu Baarlamanka hor-yimaado appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this