Deeq A. Posted July 6, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo dhaawac uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ka geystay magaalada Muqdisho. Falkan ayaa ka dhacay waddada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo kaxeynayay mootada nuuca loo yaqaano Bajaajta, halka sidoo kale lagu dhaawacay qof kale oo rayid ah. Dhacdadan ayaa timid ayaa timid, kadib markii darawalka Bajaajta uu biyo wasaqeysan ku seyriyay askariga, kaas oo la sheegay inuu ka carooday, kadibna uu rasaas ku furay. Intaasi kadib ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, balse waxaa la sheegay inuu baxsaday askarigii ka dambeeyay falkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka dhan ah Bajaajleyda ka geystay gudaha magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites