Deeq A. Posted July 6, 2019 Hobyo (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaanka Gawaan ee koonfurta gobolka Mudug. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyay maleeshiyaad uu wato Maxamed Fagaaje oo ah hoggaamiye Burcadbadeed ah iyo sidoo kale maleeshiyaad deegaanka ah. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkan uu ka dhashay weerar lagu qaaday nin horay uga tirsanaa kooxaha Burcadbadeeda oo ku sugnaa halkaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee maamulka Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites