Deeq A. Posted July 6, 2019 Afgooye (SMN) – Sida lagu baahiyay bogagga Internet-ka Al-Shabaab ayaa illaa saddex askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya. Toogashada ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacday deegaanka Kurtun-Waareey ee gobolkaasi. Fagaaraha lagu toogtay askartaasi ayaa waxaa ku sugnaa badweyne fara badan xubno ka tirsan Al-Shabaab. Magacyada raggan ayaa Al-Shabaab waxa ay ku kala sheegeen Amiin Tifow oo 23 jir ahaa, Muxiidiin Maxamed Cabdiraxiin oo 36 jir ahaa iyo Cabdiwahaab Axmed Xasan oo 30 jir ah, waxaana ay tilmaameen in askartaasi ay ku qabteen dagaallo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Jubbaland ayaa ku warramaya in Al-Shabaab ay toogasho kale ka fuliyeen degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe. Dilkaasi ayaa waxaa lagu fuliyay nin magacaabi jiray Cali Xasaney Axmed Kaaytoy, kaas oo 35 jir ahaa. Qaadiga maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegay in ninkaasi uu ahaa Saaxir, islamarkaana uu qirtay. Maalmihii dambe Al-Shabaab ayaa kordhiyay falalka toogashada ah, waxaana Arbacadii iyo Khamiistii la soo dhaafgay ay dileen illaa 10 qof oo ay ku eedeeyeen Basaasnimo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites