Sign in to follow this  
Deeq A.

Cawad “Waxaa jira dalal maleegaya qorshe wax loogu dhimayo Somalia”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka warbixiyay kulan xasaasi oo maanta ka dhacay gudaha garoonka ee M/Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa wuxuu dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka u jooga magaalada Muqdisho.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in shirkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaallada Suudaan iyo go’aankii xiriirka loogu jaray dalka Guinea.

Wasiirka oo ku dheeraaday ka hadalka arrinta Guinea ayaa sababta xiriirka loogu jray ku sheegay inay si cad ugu soo xadgudubtay Qaranimadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in jiraan dalal kale oo maleegayo tallaabooyin ka dhan ah madax banaanida Soomaaliya, laakiin ay digniino u direen, islamarkaana wixii haatan ka dambeeyana aan loo yeelan doonin wax dulqaad ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu ka warbixiyay safarka Ra’iisul wasaaraha XFS uu ku tagay Galmudug, waxaana uu sheegay in guulo laga soo hooyay socdaalkaasi, islamarkaana uu Ra’iisul wasaaruhu uu beri booqon doono M/ Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this