Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Booliiska degmada Qardho oo xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliyaha-laga.jpg?w=1000&ssl=1Taliyihii xilka laga qaaday Laba-xiddigle Siciid Xirsi Ibraahim.

Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa xilka ka qaaday taliyihii  saldhiga degmada Qardho ee xarunta gobolka karkaar Laba-xiddigle Siciid Xirsi Ibraahim.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Gen Muxiyadiin ayaa taliyaha cusub ee saldhiga degmada Qardho loogu magacaabay Kabtan Cumar Hiirad Kaatun.

Dikreetada laguma sheegin sababta xilka looga qaaday taliyihii Saldhiga degmada Qardho waxaase maalmahan dambe isbeddel ku socday Booliiska gobollada iyo degmooyinka Puntland.

Sidoo kale waxaa maanta xilka la wareegay maamulka cusub ee gobolka Karkaar iyo taliyaha qeybta Booliiska gobolkaasi oo dhowaan madaxweynaha Puntland uu soo magacaabay.

PUNTLAND POST

The post Taliyihii Booliiska degmada Qardho oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this