Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo toogasho ku fuliyay saddex askari una hanjabay shaqaalaha dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay illaa saddex askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dileen gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Toogashada ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacday deegaanka Kurtun-Waareey ee gobolkaasi.

Fagaaraha lagu toogtay askartaasi ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi.

Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Amiin Tifow oo 23 sana jir ah, Muxiidiin Maxamed Cabdiraxiin oo 36 sana jir ah iyo Cabdiwahaab Axmed Xasan oo 30 sana jir ah .

Al-Shabaab ayaa tilmaamay in askartaasi ay ku qabteen dagaallo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay Fagaarahaasi ayaa hanjabaad u diray shaqaalaha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen inay beegsan doonaan cid kasta oo la shaqeysa shisheeyaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa toogasho kale ka fuliyay degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu fuliyay nin lagu sheegay inuu Saaxir ahaa.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xasaney Axmed Kaaytoy , kaas oo 35 sano jir ahaa.

Maalmihii la soo dhaafayAl-Shabaab ayaa kordhiyay falalka toogashada ah, waxaana Arbacadii iyo Khamiistii ay dileen illaa 10 qof oo ay ku eedeeyeen Basaasnimo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this