Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo IGAD oo kala saxiixday heshiis halis ku ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladda Soomaaliya iyo IGAD ayaa kala saxiixday heshiis lagu dhisayo guddiga Qaran ee xakameynta hubka fudud iyo rasaasta, kaas oo halis ku ah Kooxda Al-Shabaab.

Lixda bilood ee soo socoto ayaa la sheegay in lagu dhisi doono guddigaasi oo xilligan muhiim u ah Soomaaliya.

Guddiga ayaa ka shaqeyn doono, sidii ay dhammaan dowladda Soomaaliya ula wareegi laheyd hubka fud fudud iyo rasaasta.

Sidoo kale guddigani ayaa hubka ka ilaalin doono inuu gacanta u galo Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan qeybo ka mid ah gudaha Soomaaliya

Waxa kale oo ay la socon doonaan in aan hub laga gudbin, amaba laga soo gelin guud ahaan xududaha dalka.

Dowladda iyo IGAD ayaa sidoo kale sheegay in shaqada guddigan ay ka mid noqon doonto qorshaha kala guurka ee AMISOM amniga ugu wareejineyso ciidamada Soomaaliya.

Arrintan ayey IGAD sheegtay in Soomaaliya ay ka caawineyso in laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran.

Soomaaliya oo haatan ka soo kabaneysa burbur lixaad leh ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha weli heysta hubka sharci darrada oo inta badan loo sii gudbiyo Kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama gudaha dalka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this