Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre “Dhismaha Galmudug waxay fursad inoo siineysaa dhameystirka Al-Shabaab”

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa  sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka Al-Shabaab looga saarayo deegaanada maamulkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo dagaalkaasi.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this