Deeq A. Posted July 6, 2019 Kismaayo (SMN) – Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan hoggaanka Jubbalan ayaaa eedeyn u jeediyay guddiga doorashooyinka maamulkaasi. Ciilmooge oo la hadlayay Shabelle ayaa sheegay in guddigu uusan dhex dhexaad ka aheyn doorashada Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beesha caalamka oo kor joogta ka ah doorashooyinkaasi ay la socoto arrimahaasi. Musharrax Cabdullaahi Ciil Mooge Xirsi ayaa intaasi ku daray in inta badan hoggaanka dhaqanka Jubbaland ay ku sugan yihiin Muqdisho, islamarkaana ay isaga soo tageen magaala Xeebeedka Kismaayo, kadib caburin lagu sameeyay, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambgeyn waxa uu ugu baaqay guddiga doorashooyinka Jubbaland inay si cadaalad ah u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah. Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada Madaxweynaha iyo tan Baarlamaanka ee Jubbaland lagu qabtay magaalada Kismaayo oo haatan looga dareemayo qaban qaabadeeda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites