Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii xaqiiqa raadinta oo kulamo ka bilaabay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee ka kala socday Xildhibaanada golaha shacabka iyo maamulka Koonfur galbeed oo gaaray magaala xeebeedka boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.

Guddiga ayaa magaaladda boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaanadda koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaasi iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaanadda ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta iyagoo intaaasi ka dib kormeeray xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin,waxaana ka hadlay qaar ka mid bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay iyo sidoo kale xildhibaano.

Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa kulan la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana ma mid ah wasiirka Dekadaha,Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha,Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale taliska qeybta booliska,waxaana kulanka inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan  kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo.

Guddigan ayaa loo diray in ay warbixino xaqiiiqo raadin ah ka keenaan dhibaatooyinkii dadka Badan lagu laayay ee dhawaan ka  dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

YC4A3700.jpgYC4A3702.jpgYC4A3706.jpgYC4A3707.jpgYC4A3708.jpgYC4A3709.jpgYC4A3734.jpgYC4A3736.jpgYC4A3737.jpgYC4A3739.jpgYC4A3740.jpgYC4A3747.jpgYC4A3749.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this