Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo dhisaysa guddi xakameeya hubka fudud

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa urur-goboleedka IGAD ayaa ku hawllan dhismaha guddi Qaran oo xakameeya hubka fudud iyo rasaasta.

Dowladda Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD ayaa kala saxiixday heshiis lixda bilood ee soo socda lagu diyaarinayo dhismaha guddi Qaran oo xakameeya hubka fudud ee waddanka.

Guddiga ayaa ka shaqeyn doona sidii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ula wareegi lahayd hubka fudud ee waddanka yaalla si aanu gacanta ugu gelin malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Qorshahan cusub ayaa dowladda Federaalka ka caawin doona in laga qaado cuna-qabateynta dhanka hubka ah ee saaran sida laga soo xigtay urur-goboleedka IGAD.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo dhisaysa guddi xakameeya hubka fudud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this